Khasaare nafeed iyo mid hantiyeed oo hor leh, ayaa mar kale soo gaaray shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, kadib markii ciidanka Gurguure ay saaka hawl-gal boob, burhurin iyo barakicin isugu jira ka bilaabeen deegaanka Warlaliska ee degmada Dayniile.
Sida ay xogtu tibaaxayso, ciidanka dowladda ayaa rasaas oodda kaga qaaday dad shacab ah oo ka mudaharaadayay burburinta guryahooda, waxaana halkaasi ku dhintay ugu yaraan 3 qof oo rayid ah, halka dhaawacyadana la sheegay in ay ka badan yihiin intaasi.
Waxgaradka bulshada ku nool degmada Dayniile oo saaka hor-kacayay mudaharaadka, ayaa dadka shacabka ah ugu baaqay in hantidooda iyo guryahooda ay difaacdaan, kana hor-tagaan dulmiga iyo tacaddiga ay waddo kooxda Villa Soomaaliya ee garwadeenka uu ka yahay Gurguurte.
"Duullaanka boobka, burburinta iyo barakicinta isugu jira ee saaka ciidanka dowladdu kusoo qaadeen shacabka xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile waxaa ku dhintay 3 qof oo rayid ah, tiro intaas ka badanna waa ay ku dhaawacantay...." Ayuu yiri qof goob-joog ah.
Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ayaa sii xoojiyey boobka iyo barakicinta ay ka wadaan Muqdisho, xilli rajo-beel laga muujiyey dowladda federaalka, isla markaana ciidamada Afrikaantu ay bilaabeen in iyagoo dullaysan ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.
